HAN IYO HIMILO RUMOWDAY

Abuurta Alle waa mid ay ku kala gadisan yihiin dhamaan makhluuqaadka uu Alle (SWT) abuuray, waxa aan dunida ku soo biiray aniga oo naafo ka ah dhegaha markii aan la kulmay dhakhaatiir waxa ay ii xaqiijiyeen in aan waxba laga qaban Karin oo ay tahay abuur Alle, Alxamdulilaah. In aan naafo ah igama hor istaagin in aan dhiso riyadayda mustaqbalka, waxa aan hayaankaygii waxbarasho bilaabay 2003, dugsiga hoose dhexe ee dhagoolayaasha, dugsiga waxa aan ku jirnay sagaal sanno, sannad la baranaayey faraha iyo 8 sanno oo ah dugsiga hoose dhexe.

Markii aan gebagabeeyey dugsiga hoose dhexe waxa aan isku diyaarinaayey in aan sii wado hayaanka waxbarasho laakiinse nasiib daro ma jirin dugsi u gaar dadka qaba baahiyaha gaarka ah, isama dhiibin mana niyad-jabin waxa aan naftayda u sheegay si kasta oo ay tahay in aan sii wado hayaanka waxbarasho isla wakhtigaas oo ku beegnaa 2012 waxa aan ku biiray dugsiga sarre ee 26 June ee ku yaal magaalada hargiesa.

Dedaal iyo naf hurid dheer kedib waxa ii soo suurto gashay in aan soo afmeero dugsiga sarre.
Wakhtiga iyo waayuhuba waa mid maalinba maalin kuu dhiibayso, markasta oo aad hayaan soo gebgebayso isla markaaba waxa aad qorshaynaysaa hayaan kale, aniga oo ka fekeraaya sidii aan u geli lahaa jaamacadda ayaa uu adeerkay ila wadaagay in deeq waxbarasho la iga siiyey(Scolarship) jaamacadda Abaarso Tech, isla wakhtigaas ku beegnaa 2018 ayaan si toos ah ugu biiray jaamacadda.
Sida caadiga ah Nolosha ayaaba imtixaan iyo caqbado laga gudbaayo intii aan waday hayaanka waxbarasho waxan jira caqabado isoo waajahay maadama oo aan la fasal noqday dad qaba lixdoodii lixaad balse caqbad iguma noqon waayo ah waxa aan aaminsanaa qaddarta Alle ilaa hadna aaminsanahay tanina waxa ay igu dhiirigelisay in aan sii wado geedi- socodkayga.

Way adag tahay in aad la fasalo noqoto ardayd iyo macallimiin dhago qabta way adag tahay in aad la jaan-qaado mararka qaar waxa isku fahami waynaa dhanka sharraxa haddana qasab ayey igu noqotay in aan dedaalo oo aan guntiga dhiisha iskaga dhigo. Macallimiintu way ila dedaaleen layma kala hadhin waalid, walaal, saaxiib iyo Macallin.
In aan waxbarto Ayaan rabaa caqbaduna waa halkii,Ma hellin qof ii turjuma sharaxa macallinka intii aan soo waday heerarka waxbarasho ee kale duwan, mar danbe ayaanu saaxiibnay Hibo Muuse Xuseen oo aad ii caawisay illaa haddan aanu isku fasal nahay M.P.A (2022).

Waxa uu Alle maqalka iigu bedelay qoys aad ii daryeela oo waxa aan doonayo ii qabta, markii aan jaamacadda soo afmeeray waan helay ballan-qaadayo shaqo, Hadda waxa aan la shaqeeya mid ka mid wasaaradaha JSL.

Dhallinyarada waxa aan kula tallin lahaa in ay aqoontooda korodh-sadaan tusaale ahaan aniga ii soo qaatan anoo maqalka naafo ka ahba waanigii master-kii dhameeyey ee caqabad kasta jiidhay iddinka way iddin fududahaye wakhtiga ka faa’iideysta.