Ardayda Jaamacadda Abaarso Kulliyadda Architecture iyo Engineeringka oo Aqoon Korodhsi la Sameeyey Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa

Daawo Horumarka Balaadhan ee ka Socda Caasimadda


IMG-20200818-WA0014.jpg

Qaybo ka mid ah Ardayda wax ka barata Architecture iyo Engineeringka ee Abaarso Tech ayaa aqoon korodhsi kormeer ah la qaatay Engineeradda iyo madaxda sare ee Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa. Ardayda oo uu Hogaaminayo Hormoodka Kuliiyadda Architecture Arch. Rashiid Ali ayaa xarunta dhexe ee Wakaaldda cashar ka qaatay Engineeradda iyo hawlwadeenadda Wakaaladda. Waxa halkan lagu soo bandhigay talaabooyinka biya balaadhinta ee ka socota caasimadda Somaliland. Waxay ardaydu dood cilmiyeed la yeesheen Wakaaladda halkaas oo ay arkeen Master Plan ka Biyo Balaadhinta iyo Biyo Gelintan Cassimadda.

Ka dib waxay booqdeen Haamaha KAYDKA ee laga hirgeliey xaafadaha kala duwan ee caasimadda sida sawiraddan ka muuqda oo intooda badani dhamaad ku dhowyihiin.iyada oo dhawaan la filayo in la buuxiyo is dhamaan xaafadaha caasimadda JSL biyo ku filan u helaan.

IMG-20200818-WA0004.jpg

IMG-20200818-WA0003.jpg

IMG-20200818-WA0026.jpg

IMG-20200818-WA0002.jpg

IMG-20200818-WA0012.jpg

IMG-20200818-WA0009.jpg

IMG-20200818-WA0013.jpg